KG Oo Qabatey kulan looga hadlayey Fatahaada Wabiga Shabeelle(Sawiro)

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi ayaa shir guddoomiyey kulan loogu hadlayey fatahaadaha wabiga shabeele iyo saameynta uu ku yeeshay degmada Afgooye,

Kulanka ayaa waxaa iskugu yimid ilaa iyo shan wasaradood oo kala ah Arimaha Gudaha,qorsheynta,Caafimaadka,Tamarta iyo kheyraadka biyaha,iyo wasaaradda gargaarka iyo maareynta masiibooyinka,

Wabiga Shabeelle Ee mara Soomaaliya ayaa Fatahaad baahsan ka Sameeyey Deegaanada Gobolka Shabeelaha hoose Gaar ahaan Degmada Afgooye iyo Deegaano dhowr ah oo hoostaga Degmadaasi Afgooye ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.