Wargelin 24/06/2020;
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxey ku wargelineysaa dhammaan Shaqaalaha Dowladda KGS iyo Hay’adaha gaarka loo leeyahay Shaqaalahooda in maalinta Sabtida ee 27-ka June 2020-ka ay tahay maalin fasax ah, maaddama maalinta Jumcaha ah ay ku beegantahay xuska qaran ee 26-ka June , waana maalintii ay xorriyadda qaateen Gobolladda Waqooyi ee dalka, sannadkana uu ahaa 1960.
Dhamaan ummadda Soomaaliyeed meel walba ay joogaan waxaan leenahay hambalyo.














