Khamenei: Iran Ma Hogaansami Doonto Mareykanka, Wadahadallada Nukliyeerkana Waa Mid Danta Qaranka Lagu Ilaalinayo

Hoggaamiyaha Sare ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran, Aayatollah Cali Khamenei, ayaa mar kale si adag uga hadlay mowqifka dalkiisa ee ku aaddan xiriirka Mareykanka iyo wadaxaajoodyada ku saabsan heshiiskii nukliyeerka ee 2015, isagoo ku eedeeyay Washington inay isku dayayso in Iran ku khasabto hoggaan la’aan iyo isdhiibid siyaasadeed.

Khamenei ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad diini ah oo si weyn loo sugayay, isagoo shacabka Iran u sheegay in “cadaawad baaxad leh iyo xafiltan joogto ah” ay ka imanayso dhanka Mareykanka iyo xulafadiisa, gaar ahaan Isra’iil, kuwaas oo uu ku eedeeyay inay isku dayayaan inay khilaaf iyo burbur siyaasadeed dhex dhigaan shacabka iyo dowladda Iran.

Hadalka Khamenei ayaa imaanaya xilli Iran iyo saddexda waddan ee Yurub (Faransiiska, Britain, iyo Jarmalka) ay ku heshiiyeen in dib loo bilaabo wadaxaajoodyadii nukliyeerka maalinta Talaadada, si loo cusbooneysiiyo heshiiskii 2015 ee taariikhiga ahaa. Heshiiskaas ayaa Iran ku ballanqaaday in ay yareyso hawlaheeda nukliyeerka, iyadoo taa beddelkeedana laga qaadayo cunaqabateyntii adag ee caalamiga ahayd.

Si kastaba ha ahaatee, wadahadalladan dib u billowday ayaa ku imaanaya duruufo adag, kadib markii Iran ay joojisay wadaxaajoodyadii Mareykanka bishii Juun 2025, xilli uu socday dagaalkii 12-ka maalmood ahaa ee lala galay Israa’iil, kaas oo lagu duqeeyay xarumo muhiim ah oo nukliyeer iyo cilmi-baaris ah oo ku yaallay gudaha Iran.

Dhanka kale, Khamenei wuxuu si gaar ah u dhaliilay dadka gudaha Iran ee taageersan in la bilaabo wada-hadallo toos ah oo lala galo Mareykanka, isagoo ku tilmaamay aragtidooda “xal la’aan siyaasadeed oo lagu fashilayo qaranimada.”

Xusuusin ahaan, heshiiskii nukliyeerka ee 2015 ayaa ahaa mid ay Iran la gashay Mareykanka, Ruushka, Shiinaha, France, Britain, iyo Jarmalka, balse waxa uu burburay markii Donald Trump, madaxweynihii hore ee Mareykanka, uu ka baxay heshiiska sanadkii 2018, isaga oo dib usoo celiyay cunaqabateyn baahsan oo dhaqaale, taasoo sababtay in xiriirka labada dal uu sii xumaado.

Iran iyo Mareykanka ayaa tan iyo Kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979 ku jiray xasarado siyaasadeed iyo dhaqaale, waxaana weli caqabad weyn ku ah wada-hadallada labada dal aragtida kala fog ee ay ka qabaan barnaamijka nukliyeerka, ammaanka gobolka, iyo doorka Israa’iil ee siyaasadda Bariga Dhexe.

Hadalka Khamenei ayaa markale muujinaya mowqifka adag ee Iran ka taagan yahay in lagu cadaadiyo siyaasad diblomaasiyadeed oo ay u aragto mid ah hoggaan la’aan iyo gacan hoorsi siyaasadeed, halka wadahadallada nukliyeerka ay u muuqdaan kuwo aan si buuxda u hayn kalsooni siyaasadeed, marka loo eego is-aamin la’aanta taagan.