Ciidamada kawada tirsan Dowladda Federaalka ayaa ku dagaalamay Isgoyska Ex Control Afgooye waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray dad rayid ah & Askartii dagaalantay.
Ilo deegaanka ah ayaa radio baidoa u sheegay in labada ciidan ay isku maandhaafeen lacago laga qaado Gaadiidka goobta ka rarta, muddo kooban ayuu socday iska hor imaadkaas oo ay ku dhinteen inta la xaqiijiyay 4-ruux oo shacab ah & labo Askari.
Haweeney Goobta ka dhaweyd ayaa radio baidoa u sheegtay in ay aragtay afar ruux oo iska rasaaseynta ku dhimatay oo labo kamid ah ay yihiin Ardayad u socotay Jaamacad & Haweeney goobta ku lahayd maqaaxi.
“Ciidamo kuwada labisan dharka Ciidanka ayaa ku dagaalamay inta u dhaxeysa Ekis Kontrool Afgooye & Xerada Asluubta, inta aan arkay waxaa geeriyooday Haweeney Goobta Maqaaxi ku lahayd, Gabar Ardayad ah, goobta ay ku badnaayeen dad u socday Shaqo & Waxbarasho ayaa kala orday si aanay waxyeelo u gaarin” Sidaasi waxaa radio baidoa u sheegtay Haweeney Goobjoog u ahayd dhacdadaan.
Goobjooge kale oo la hadlay Mustaqbal waxa uu dhankiisa sheegay in uu arkay Qof rayid ah oo ku geeriyooday Gaari dhexdiisa kadib markii ay ku dhacday mid kamid ah rasaasta ay isku ridayeen labada ciidan.
“Waxa aan arkay qof rayid ah oo ku dhintay kursigii uu gaariga ka saarnaa, dagaalka waxa uu ka dhashay muran lacagaha laga qaado Busteejo laga raro Gaadiidka Ekis kontrolool” ayuu yiri Goobjoogaha la hadlay Radio baidoa














