Afhayeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gaashaanle Cabdifataax Aadan Xasan ayaa sheegay in qaraxii ka dhacay Muqdisho ay ku geeriyoodeen 4 ruux oo uu ku jiray qof isku soo rakibay Jaakad ay ku xiranyihiin walxaha qarxa, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale,balse la sheegay inay jiraan dad Isbitaallada ku geeriyooday.
Gaashaanle Cabdifataax oo la hadlay Warbaahinta dolwadda ayaa tacsi u diray Ummadda Soomaaliyeed iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ku taala Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho, isagoo intaa ku daray in dadka dhintay iyo kuwa dhaawac soo gaaray ay ahaayeen shacab ku qaxweynayay maqaayadda.
Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa xusay in ciidamada amniga ay gaareen durba goobta uu falka ka dhacay, halkaas oo ay ka sameeyeen baaritaanno ku aadan haraadiga waxyaabihii qaraxa ku saabsanaa, isagoo tilmaamay inay Al-Shabaab ay caado ka dhigteen xasuuqa shacabka, balse ciidamada amniga ay xoojin doonaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Gaashaanle Cabdifataax ayaa shacabka ku booriyay inay labo jibaaraan la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga hortago dhagarta a Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa sheegtay qarixii ismiidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay inay qaraxaas ku dileen saraakiil ka tirsan Ciidamada kala duwan ee dowladda Soomaaliya.














