Afar ruux ayaa geeriyootay ku dhawaad 10 ruuxna dhaawac ayaa soo gaaray ka dib markii maanta gaariga laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa lagu weeraray xarun ciidan oo ku taalla degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Dadka dhintay labo ka mid ah waa Shacab, halka labada kale ay yihiin Ciidamada dowladda ee halkaasi ku sugnaa.
Qaraxa ayaa dhacay xilli goobta uu ka dhacay aheyd Mashquul, islamarkaana gaadiid badan oo Canshuur laga qaadayay ay Saf dheer ku jireen.
Gaariga Qarxay ayaa la sheegay in uu ahaa Homey, islamarkaana uu waday ruux isasoo miidaamiyay
Ismiidaamintaan ayaa lagu qaaday Xero ciidamada ay ku leeyihiin Wakaaladii hore ee Biyaha Degmada Afgooye oo ay degan yihiin ciidamo ka tirsan Militariga dowladda Federalka Soomaaliya.
Maamulka degmada Afgooye waxa ay Radio baidoa u xaqiijiyeen in ay suurtagal tahay in Khasaare uu intaasi kasii bato.
Dhaawacyadda ayaa waxaa ku jira kuwo qaba dhaawacyo halis ah sidda ay sheegeen maamulka Degmada Agooye.
Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan oo si weyn looga maqlay Xaafaddaha degmada Afgooye.
Goobta Qaraxa lagu weeraray ayaa horay Saddex jeer siddaan oo kale lagu qaaday Weeraro toos ah iyo Qaraxyo ay ku dhinteen Askar iyo dad Shacab ah.














