Hal qof oo dhallinyaro ah ayaa ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay aga-gaarka daarta Gaaca ee magaalada Boosaaso, kaddib rasaas uu furay askari ka tirsan Booliska Puntland.
Booliiska gobolka Bari oo dhacdadan xaqiijiyey ayaa sheegey in ay xabsiga dhigeen askarigii falka gaystay.
Laamaha Amniga ayyaa sheegay in falkaasi uu ku dhacay si kadis ah,islamarkaana dhalinyarada dhaawacantay ay caafimaad u rajeynayaan.
War ka soo baxay Booliska Bari ayaa lagu yiri:
“Booliiska gobolka Bari waxa uu tacsi la wadaagayaa ehelada iyo qaraabada uu ka dhintay marxuum Ayaanle Jamac Cumar oo caawa askari ay kaga dhacday xabbad, waxaana uu sidoo kale Caafimaad u rajeynayaa inuu ka soo kabto dhaawaca soo gaaray Bishaar Cali Cawad oo marxuumka la socday.
“Ciidanka Booliiska waxay qabteen askarigii falkaas geystay waxaana socoda baaritaanka dhacdadan, wixii faahfaahin ah waxaan idiin gudbin doonaa marka baaristu dhamaato insha allah”.














