Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay Xaafadaha qaar ayaa ka dhacay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac .
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warameen in qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso lala beegsaday Maqaaxi lagu nasto oo loo yaqaan Xeebta Cagaha Gali oo ay dad shacab ahi ku caweyynayeen.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in qaraxa ay ku geeriyoodeen laba Ruux oo Shacab ah halka ay ku dhaawacmeen 5 Ruux, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka Magaalada Kismaayo.
Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Ciidamada Booliska & Nabadsugida Jubbaland ay tageen halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada howlgallo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxa.














