Khasaaro Nafeed oo ka dhashay dabka ka kacay Walanweyn

Dabkaan oo geystay khasaaro hantiyadeed ayaa waxaa uu ka kacay Kaalin Shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla Suuqa Hoose ee degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana uu ku fiday goobo Ganacsi oo ku dhegan Kaalinta.

Dadka ku nool degmada Walanweyn iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka degmada ayaa waxaa ay sameeyeen dadaal farabadan oo lagu deminaayay dabka, maadaama degmada aysan laheyn wax dab demis ah,waxaana dadbka oo geystay khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed ay ku guuleysteen in xalay saqdii dhexe ay demiyaan.

Dabka ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah Shaqaalaha Kaalinta Shidaalka uu dabka ka kacay, xilli uu ku guda jiray howlo gurmad ah.