Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shalay Gelinkii dambe gaaray Dhuusamareeb ayaa xalay Hoyga uu ka degan yahay halkaasi waxaa uu kula kulmay qaar kamid ah Madaxda Dowlad Goboleedyada.
Kulanka ayaa waxaa goobjoog k ahaa Madaxweynayaasha Maamulada Koofur Galbeed, Hirshabelle iyo Jubbaland,balse Madaxweynaha Puntland uu dib ugu laabtay Garoowe si uu uga qeyb-galo Aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.
in kastoo ay albaabada u xirnaayeen kulanka RW Kheyre iyo Madaxda Dowlad goboleedyada ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in looga hadlay qabsoomida kulanka Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada iyo sidoo loo xalin lahaa khilaafka jira.
Kulankan ayaa noqonaya kii u horeeyay oo madaxda maamul goboleedyada iyo Ra’iisul Wasaaraha dhex mara, kaddib shirkoodii Sabtidii ee ay ka soo saareen war murtiyeedka ay ku casuumeen Madaxda DFS inay ka soo qeyb galaan shirkooda.
Sidoo kale RW Kheyre iyo Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si fool ka fool ah isku soo hor fariisan doona, tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii Golaha Wasiirada XFS ay sharci darro ka dhigeen dib u doorashadii Axmed Madoobe.
Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa laga dareemayaa u diyara garoowga shirka lagu wado in uu dhex-maro Madaxda Dowladda & Goboleedyada, iyad aoo lagu wado in dhawaan uu tago Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.














