Kheyre oo ka hadley caburinta shacabka caasimada qaar.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, ayaa qoraal uu soo saaray si adag ugu cambaareeyay cabsigelinta lagu hayo shacabka degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Kheyre ayaa yiri: Waxaan si adag u cambaareynayaa falalka xadgudubka, cabsigalinta, iyo qafaalka ah ee dowladdu ka waddo degmada Kaxda, si ay shacabka degmada ugu qasabto in ay iska diiwaangeliyaan doorashooyinka macmalka ah ee uu ku riyoonayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.”

Sidoo kale, Kheyre wuxuu xusay in cabsigalinta iyo qafaalka ka socda goobaha waxbarashada, ganacsiyada, iyo suuqyada degmada Kaxda ay yihiin isku-day gurracan oo xadgudub ku ah xuquuqda muwaadiniinta, dhaqanka dowladnimada, shuruucda dalka, iyo xeerarka caalamiga ah, isagoo ku tilmaamay in ay nasiib-darro tahay in ciidamadii amniga loo adeegsanayo jajuubka iyo caburinta shacabka.

Ugu dambeyn, Xasan Cali Kheyre wuxuu ku soo xiray baaq uu u jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ugu yeeray in uu degdeg uga laabto amarka lagu caburinayo dadweynaha degmada Kaxda, kana joogsado doorashada aan heshiiska lagu ahayn, taas oo halis ku ah midnimada, wadajirka ummadda, iyo xasilloonida dalka.