Puntland oo DF ku eedeysey hanaanka dhismaha Maamulka Cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Xiisad siyaasadeed oo cusub ayaa ka dhex aloosan Puntland iyo maamul cusub oo dhawaan lagu dhawaaqay, kaasi oo isu arkaya inuu metelo gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya, gaar ahaan Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. Maamulka cusub oo aan weli si rasmi ah uga helin taageero ballaaran oo heer qaran ah, ayaa si iskeed ah isu magacaabay, taasoo dhalisay walaac xooggan oo ka soo yeeray xukuumadda Puntland, gaar ahaan hay’adaha sare ee dowlad-goboleedkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Cabdirisaaq Axmed Maxamed (Qaraaje), ayaa si adag uga horyimid maamulka cusub, isaga oo ku tilmaamay tallaabadaasi mid lagu wiiqayo midnimada dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. Wuxuu ku eedeeyay maamulka cusub in uu wado “qorshe siyaasadeed oo fogaan-darro ah” oo aan laga tashan, islamarkaana ujeeddadiisu tahay in lagu kala qeybiyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Qaraaje wuxuu si gaar ah diiradda u saaray gobolka Sanaag oo uu ku sifeeyay mid leh “taariikh halgan iyo midnimo”, isagoo intaa ku daray in aan la aqbali karin in “maamul shisheeye” oo aan sal iyo raad toona ku lahayn deegaanka uu ka arrimiyo dadkii halganka ku jiray ee deegaankaasi lahaa.

Wuxuu sidoo kale farta ku fiiqay kaalinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sheegay in ay muuqato inay si dadban u taageerayso maamulkan cusub. Wuxuu ku dhaliilay dowladda in halkii laga rabay inay noqoto garwadeen qaranimo iyo midnimo bulsho, ay ka dhex muuqanayso qorshayaal u muuqda kuwo dalka lagu kala qaybiyo.

Hadalladan kasoo yeeray madaxda Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli siyaasiyiin kasoo jeeda maamulka cusub ee Waqooyi Bari ay ku dhawaaqeen qorshahooda ah inay booqan doonaan deegaannada Sanaag iyo Buuhoodle si ay uga fidiyaan adeegyo ay sheegeen in ay yihiin kuwo maamul ahaan u qabtaan. Tallaabadan ayaa sare u qaaday cabashooyinkii Puntland, kuwaas oo u muuqda kuwo aan u dulqaadan doonin wax kasta oo lagu carqaladeynayo maamulkooda iyo midnimada dadka deegaanka.

Dhinaca kale, waxaa jirta cabsi laga qabo in is-mariwaaga siyaasadeed uu isu beddelo mid amni darro keena, maadaama labada dhinac ay muujinayaan mowqifyo adag. Puntland ayaa sheegtay inay difaacayso deegaannadeeda, halka maamulka cusub uu isna muujinayo inuu sii wadi doono dhaq-dhaqaaqiisa siyaasadeed.

Shacabka ku dhaqan gobollada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle ayaa hadda wajahaya hubanti la’aan siyaasadeed oo laga cabsi qabo inay dhibaato ku yeelato xasiloonida guud ee deegaanka. Inkasta oo ay jiraan baaqyo nabadeed oo kasoo yeeraya qaybaha bulshada, haddana waxaa muuqata in xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa Puntland iyo maamulka cusub aysan si sahlan ku xasili doonin, haddii aan la helin dadaal dhexdhexaadin ah oo dhab ah oo ka yimaada dowladda dhexe iyo beesha caalamka.

Isku soo wada duuboo, xaaladda cusub ee ka taagan Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa noqotay imtixaan culus oo hortimid Puntland, dowladda dhexe iyo guud ahaan geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waxaa laga dhowrayaa haddii khilaafkan loo wajihi doono si qaranimo ku jirto, mise uu horseedi doono kala qaybsanaan hor leh oo sii murjisa arrimaha siyaasadda dalka.