Waxaa goordhow Magaalada garoowe ee Caasimadda Puntland ka bilaabatay khudbad jeedinta musharixiinta Aqalka sare ee Puntland ku matalaya dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
22 Musharax ayaa ku tartamaya 11 kursi ee aqalka sare ku leedahay Puntland, waxaana Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland u codeeynayaan musharixiinta Aqalka Sare.
Musharixiinta Aqalka Sare ayaa waxaa kujiro qaar kamid ah golaha wasiirada Puntland iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari iyo sidoo kale Madaxweynihii hore ee Puntland Sanoter Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole.
Hadda qaar kamid ah musharixiinta Aqalka sare ayaa Xildhibaannada Golaha Wakiiladda Puntland u jeediyay khdubadahooda musharaxnimo, iyada oo kudbad jeedinta kadib ay doorashada bilaaban doonto.
Ammaanka Magaalada Garowoe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa Xarunta Baarlamaanka Puntland ee Magaalada Garoowe lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo amniga xaqiijinaya.














