Koonfu Galbeed Oo Baaq u dirtey Dowlada Fedaraalka Soomaaliya

Wasaaradda Waxbarashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shir Jaraa’id ku saabsan arimaha imtixaanaadka Dugsiga Sare oo ay qaadayso Dowladda Federalka Soomaaliya Maanta qabatey.

Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya masuuliyad buuxda ayaa ka saaran waxbaridda dhamaan ardey deegaanka Ceelasha Biyaha, Degmada Afgooye iyo guud ahaan deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wasiirka Waxbarashada Koonfur Galbeed shirkiisa Jaraa’id waxa uu kaga hadlay qodobada hoos ku xusan:

1.Wasiirka waxa uu cadeeyay in ay ka codsadeen waqti hore Masuuliyiinti ugu sareyso Wasaaradda Waxbarashada sida Wasiirka iyo Agaasimaha guud in imtixaank dugsiga sare xaruntiisii lagu qaado Ceelasha Biyaha. Wasaaradu waxa ay diiday in ceelasha biyaha xarun imtixaan laga dhigo iyada oo ardeyda deegaankaasi ay cabasho badan ka soo gudbiyeen, ayna ku adagtahay inay Mogadishu u aadaan imtixaanka dugsiga sare maadaama ay dhibaato badan kala kulmayaan jidka ayn ku adagtahay socodka dheer, duruufo u gaar ahna ay kala kulmayaan safarka dheer ee ay u aadayaan Mogadishu.

2.Balan ka bax ay sameeyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada Federalka:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasiirkiisa waxa ay cadeeyeen in ceelasha biyaha aysan suuragal aheyn in xarun imtixaan laga dhigo duruufo amni awgeed. Sidaa darted ay ardeydii degaankoodii ahaa ceelasha Biyaha loo wareejiyay Degmada Afgooye. Wasaarada waxa ay ka baxday balan qaadkii ay ardeyda ugu wareejisay inay imtixaanka dugsiga sare ay ku galaan degmada Afgooye.

3.Jahwareerin iyo Khalkhal gelinta ardeyda Koonfur Galbeed:
Ardeydii ceelasha Biyaha waxa ay kala garan waayeen goobta Imtixaanka ay ku galayaan iyada oo waqtigu dhowyahay oo aysan kala garanayn halka ay ku galayaan imtixaanka.
Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Waxa ay ka soo horjeedaa in lagu tunto xuquuqda ardeyda deegaanka ceelasha Biyaha. Cawaaqibta iyo dhibaatada ka imaato waxaa qaadaya Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Federalka maadaama la jahwareeriyay ardeyda, waalidiinta iyo bulshada deegaanka intaba.

Ugu dambeyn, Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Waxa ay degmada Afgooye ku diyaarisay xarumihii imtixaanka ay ku gali lahaayeen ardayda ceelasha Biyaha, sidaa darted, Waxa ay si deg deg ah uga codsanaysaa Wasaaradda Waxbarashada Koonfur Galbeed in ardeyda aan la geyn Gahey, SYL Mogadishu, balse loo wareejiyo Degmada Afgooye.
Ugu dambeyn Koonfur Galbeed ayaa sheegtey Haddi aan arintaan jawaab deg deg ah aysan ka bixin Wasaarada Waxbarashada Federalka, Waxa ay saameyn ku yeelan doontaa wadashaqeyntii fiicned ee ka dhaxaysay labada Wasaaradood, Waxbarashada Koonfur Galbeed iyo Federalka.