Koonfur Galbeed oo ka soo horjeesatey Jadwal Gudiga Doorashada FEIT Soo saarey

Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa sheegtey in jadwalka isugu yeerista iyo Dhaarinta labada Aqal ee soo baxay ay tahay Tallaabo Sharci darro ah

Dowlad G/Koonfur Galbeed waxay caddaysey inaysan waxba kala socon jadwalka la faafiyay ee ku saabsan hannaanka loo marayo isu keenista, shahaado bixinta iyo dhaarinta xildhibaannada la doortay ee Labada Aqalka ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sidaas darteedna warqadda soo baxday aysan ahayn mid dhaqangal ah.

Koonfur Galbeed waxay kaliya aqbalaysaa jadwal iyo qorshe ay ku heshiiyeen Madasha Wadatashiga Qaran kaasoo ku yimid wadatashi ay ka qeybqaateen dhammaan Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Ugu dambeyntii, Dowladda Koonfur Galbeed waxay xaqiijinaysaa in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Guddiga Doorashooyinka Heer Federaalba wax kaalin ah oo sharci waafaqsan aysan ku lahayn u yeerista iyo qabanqaabada dhaarinta Xildhibaannada la doortay, waajibaadkaasna uu sharcigu siinaayo Barlamaanka 10aad sidii dhacday Barlamaankii 9aad oo ah doorashadii u dambaysay ee dalka ka qabsoomay 2016/2017.