Koonfur Galbeed Oo Kulamo Dib-uheshiisiin ah kawada Degmada Walaweyn+SAWIRO

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Dowladaha Hoose Iyo Dib U Heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Mohamed Abukar Abdi ayaa kulan qaatey Odoyaasha Dhaqanka Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha hoose Ee Deegaanada KGS,

Wasiirka waxaa ku wehlinayey kulanka gudoonka Degmada, lataliyaha Wasaaradda Arimaha gudaha ee dhanka Dib-u-heshiisinta Koonfur Galbeed waxaa sidoo kale kulanka qeyb ka ahaa saaxibada caalamka ee Dowlada ka taageera dhanka Amniga.

Kulanka ayaa ahaa mid dib-uheshiisiineed oo lagu dhamaynayey khilaafaadkii dhanka isqabqabsiga ahaa ee ka jiray Degmada Walanweyn muddadaan dambe,

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed ayaa dhawaan usoo magacowday Degmadda Wanlawayn maamul cusub si loo dardargeliyo howlaha Dowlad Goboleedka koonfur galbeed ay kawado Degmooyinka oo qeyb ay ka tahay walanweyn oo si hufnaan iyo karti ku dheehantahayna loogu shaqeeyo bulshada ku dhaqan Degmadda Wanlaweyn.