Koonfur Galbeed Oo qaadey Isbaarooyin yaalley Gudaha iyo Nawaaxiga Wallaweyn

Howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen Ciidamada Daraawishta Koonfur Galbeed,Milteriga Soomaaliya iyo kumaandooska Danab ayaa dhamaan loogu qaadey isbaarooyinkii yaalay wadada Xariirisa Baydhabo iyo Muqdisho,

Howlgalkan oo uu horkacayey wasiirka Amniga Koonfur galbeed ayaa waxaa qeybka ahaa wasiirka Arrimaha gudaha Taliyaha Ciidanka Daraawishta,Sarakiil ka kala socdey Ciidamada Mileteriga iyo Kumaandooska Danab,

Inta uu socdey Howlgalkan isbaara qaadista ah ayaa waxaa ciidamadu ku gubeen isbarooyinka kala ah Balow,Daa’uud Buulle,Isbaaro Taraafico iyo dhufeysyo meleshiyaad beeled ay ka sameysteen gudaha Degmada Walanweyn

mudada uu socday howgalkan waxaa ciidamada huwanta ah gacanta ay ku soo dhigeen askar si sharci daro ah lacago ugu qaadayey Gadiidka isticmala waddooyinka muhiimka u ah Gobolka iyo guud ahaan dalkeenna,