Kulamo Xal raadin ah oo ka socda Degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan

Wararka laga helayo degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ka socdaan kulamo xal loogu raadinayo khilaaf maamul oo ka taagan magaaladaas.

Magaalada waxaa ku sugan Wafdi ka socda Maamulka Hir-Shabeelle oo uu hoggaaminayo mid kamid la taliyeyaasha Madaxweyne Waare iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Beeraha Hir-Shabeelle Xildhibaan Maxmed Bashiir Qaasim,iyaga oo bilaabay kulamo lagu xalinayo xiisad ka dhalatay xil ka qaadista Guddoomiyihii degmadaas.
Xildhibaan Daqare ayaa sheegay inay kulamo la qaateen Odyaasha Dhaqanka Magaalada,isla markaana ay gaareen heshiis horudhac ah.

Qaar kamid ah Odayaasha Dhaqanka degmada Buulo Burde ayaa horay waxaa ay uga soo horjeestay Maamulka Cusub ee loo Magacaabey,iyaga oo sheegay inay doonayaan in iyaga ay doonayaan in Wasaaradda Arrimaha Gudaha kala tashato Magacaabista

.