Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen {Cadi Yare} ayaa Maanta Shir Gudoomiyay Shir looga hadlayay sidii kor loogu Qaadi lahaa Amniga Gobolka Nugaal.
Shirka oo uu horaantii uu furay Talyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen {Cadi Yare} waxaa kaqayb galay Tailyaha Qaybta Gobolka Nugaal iyo Saraakiisha Booliska Gobolka.
Shirka ayaa waxaa Diirada lagu saarayay Horumarka Amniga Gobolka iyo Howlgalada kala duwan ee laga samaynayay Xaafadaha Caasimada ee Garoowe,Dabar goynta Dadka Khamriga ka ganacsada iyo in Habeen iyo Maalin ay Ciidanka Booliska ka hortagaan sidii falalamni darro uga dhicin Garoowe.
Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen Cabdi Xasan Xuseen {Cadi Yare} Oo Warbixinta Amniga Gobolka ka dhagaystay Saraakiisha Booliska ayaa ka mahadceliyay Shaqada adag ee saraakiisha Booliska Gobolka Nugaal ka qabteen dhanka Amniga isagoo ku dhiiri galiyay Howl karnimada Shaqadooda.














