Kulan looga hadlayey Amniga ayaa maanta ka dhacey Magaalada Muqdisho

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shir gudoomiyay kulan degmooyinka gobolka Banaadir oo todobaadkiI mar la qabto kaas oo ka dhacay degmada Kaxda.

Kulanka waxaa looga hadlay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen Amniga, Nadaafada, Canshuuraha, Ciyaaraha, dib-udhiska wadooyinka iyo xoojinta dagaalanka musuq maasuqa.

Shirka degmooyinka kadib waxa uu duqa magaalada Muqdisho duleedka degmada Wadajir kula caweeyay qaar kamid ah masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada degmooyinka.