Kulan ayaa Madaxtooyadda Soomaaliya uga socdo Ra’iisul wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
Kulankaan ayaa looga hadlaya sidii loo xalin lahaa khilaafka ka taagan doorashada gobolada Waqooyi.
Warar kala duwan oo ay heshay Idaacadda Risaala ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay Rooble kala hadleen sidii Gudoomiye ku xigeen loo siin lahaa Gudoomiyaha Aqalka Sare dalka si loo xaliyo tabashada uu qabo Aqalka Sare Gudoomiye Cabdi Xaashi.
Kulankaan ayaa yimid xilli uu khilaaf cusub ka dhex bilowday Rooble iyo Farmaajo.














