Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Xarunta Maamulka gobolka Hiiraan waxaa uu kulan gaar ah kula leeyahay guddiga gurmadka Fatahaadda Beledweyne ee uu hoggaaminayo Xaaji Cismaan Dhagaxoow.
In kastoo aan sirasmi ah loo shaacin waxyaabaha ay ka hadlayaan ayaa wararka la helayo waxaa ay sheegayaan in kulanka ay uga hadlayaan sidii ay u bilaabi lahaayeen howlihii shaqo ee fatahaadda magaalada looga weecin lahaa oo guddiga looga fadhiyay.
Muddoo bil ah ayaa Guddiga waxaa gacantooda ku jirta lacag dhan 1,140,000$ oo madaxweynaha Hir-Shabelle uu guddiga ku wareejiyay,taasi oo qeyb ka ah barnaamijka xalalka waara ee fatahaadda Beledweyne looga weecinayo.
Madaxtooyada Hir-Shabeelle ayaa la filayaa inay kulankaasi u dhaxeeya Madaxweyne Waare iyo guddiga gurmadka Fatahaadda Beledweyne ee uu hoggaaminayo Xaaji Cismaan Dhagaxoow geba-gabada ay war kasoo saarto.














