Kulanka Ansaxinta Siyaasadda Maaliyadda Dowladaha Hoose ayaa maanta lagu qabtay Xaruunta Hay’adda UNICEF ee magaalada Baydhabo,
Kulanka ayaa waxaa soo qaaban qaabiyay Wasaaradda arimaha gudaha dowladaha hoose Iyo dib u heshisiinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayadoona uu ka qeyb galay Agaasimaha guud ee wasaaradda Arimaha Gudaha Mudane Mustaf Sheikh Abdulaahi (Adaf)waxaana gacan weyn ka Gaystay Hay’adda UN-HABITAT,
Ka qeybgaliyaasha kulanka ayaa waxaa ay ka Kala yimadeen wasaaradda Arimaha Gudaha Dowlada Soomaliya wasaaradda Maaliyadda Koonfur galbeed Degmooyinka Xudur, Bardaale, Degmada baydhabo iyo Xubno ka Socday Hay’adda UN-HABITAT Waxaana Kulanka ku soo dhamaaday guul


















