Kulanka gudiga joogtada ah ee BJS oo maanta Muqdisho ka dhacay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka, kaasoo ka dhacay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee Villa Hargeysa.

Kulanka oo ah mid muhiim ah oo loogu diyaar garoobayo hawlaha horyaalla Golaha Shacabka, ayaa si rasmi ah ku furmay kadib markii Habdhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux) uu dhaariyay Xildhibaan Cali Maxamuud Maxamed, oo bedelay Dr. Cali Siciid Fiqi, xildhibaankii hore ee kursigaasi hayay, kaasi oo hadda loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Markii dhaartaasi la dhammeeyay, xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa u gudbay ka doodista ajendaha kulanka, iyagoo si gaar ah diiradda u saaray jadwalka furitaanka kalfadhiga toddobaad ee Golaha Shacabka, iyo sidii loo dardar-gelin lahaa diyaar garowga shaqooyinka horyaalla xildhibaannada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe oo kulanka soo xiray ayaa si gaar ah ugu dardaarmay xildhibaannada in ay si buuxda isugu diyaariyaan kalfadhiga soo socda, isagoo xusay in golaha ay horyaallaan shuruuc muhiim ah oo u baahan wadatashi, waqti iyo feejignaan dheeraad ah, si loo xaqiijiyo danta guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Kulankan ayaa ah mid ka tarjumaya diyaar garowga Golaha Shacabka ee ku wajahan waajibaadka dastuuriga ah ee horyaalla, iyada oo la filayo in kalfadhiga toddobaad uu bilowdo maalmaha soo socda.