Kulankii golaha oo xildhibaan la’aan u baaqdey iyo fariin loo direy xildhibaanada.

Kulankii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa u baaqday sababo la xiriira kooram la’aan, kaddib markii ay kasoo xaadireen 87 xildhibaan oo kaliya, halka uu sharcigu dhigayo in ugu yaraan 139 mudane ay soo xaadiraan si kulanku u furmo.

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow, ayaa si kulul ugu baaqay xildhibaannada maqnaa in ay u hoggaansamaan waajibaadkooda dastuuriga ah, kuna dadaalaan in ay si joogto ah uga soo qayb galaan fadhiyada Golaha, si loo dardar-geliyo shaqada horyaalla baarlamaanka.

“Waxaa nasiib darro ah in marar badan uu dib u dhac ku yimaado shaqadii Golaha Shacabka, sabab la xiriirta maqnaanshaha xildhibaanno aan muujin xilkasnimo. Waxaan mar kale ugu baaqayaa dhammaan xildhibaannada ku maqan dalka dibaddiisa iyo gudaha in ay si deg deg ah u yimaadaan Muqdisho si ay u gutaan waajibaadkooda qaran,” ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka.

Guddoomiye Abshirow wuxuu intaa ku daray in haddii xildhibaannadu aanay kasoo qayb gelin kulanka soo socda ee Arbacada, uu isagu yeerin doono si loo tirakoobo magacyada xildhibaannada si joogto ah uga maqan fadhiyada, loogana qaado tallaabo sharci ah haddii loo baahdo.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa akhrinta labaad iyo cod u qaadista Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Barwaaqada Carruurta, hase yeeshee arrintaasi ma suurta galin sababo la xiriira buuxin la’aanta kooramka loo baahnaa.

Tani ayaa ka mid noqoneysa marar badan oo kulamada Golaha Shacabka uu dib u dhac ku yimid, taas oo si isdaba joog ah uga dhalatay ka-qaybgal la’aanta xildhibaanno badan oo aan joogto u xaadirin fadhiyada baarlamaanka.