Kumaandooska DANAB oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Gobolka Baay

Ciidamada Guutada 16aad ee Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa saacadihii la soo dhaafay waxa ay howlgallo ka sameeyeen degaano ka tirsan gobolka Baay, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Deegaannada howlgalka laga sameeyay ayaa waxaa ay kala yihiin, Buur-Heybe, Jiira-Koolow, durdurow, Saaxweyn & yaq-Doomaar, kuwaas oo dhamaantood hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay.

Saraakiisha DANAB ee howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen inay burburiyeen Xarumo ay Al-Shabaab ku lahaayeen degaannada Ciidamada ay howlgalka ka sameeyeen.