Wasiirka Wasaaradda amniga Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Isaaq Cali Subag ayaa Maanta oo Arbaco ah shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga oo ka dhacay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay amniga deegaannada Maamulka Koonfur Galbeed iyo Magaalada Baydhabo oo la filayo inay ka dhacdo doorashada Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.
Wasiir Isaaq Cali ayaa ayaa warbixin ka dhageystay taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo kuwa xoogga dalka, iyagoona uga warbixiyay amniga deegaanada iyo howlgalada ka dhan ah Al-shabaab ee socda.
Wasiirka Amniga ayaa Saraakiisha Ciidamada ammaanka qeybahooda kala duwan ku amray in lasii xoojiyo howlaha sugida amniga, maadaama Magaalada Baydhabo iyo Magaalooyin kale loo qorsheeyay inay ka dhacaan doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka.
Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada Nabadsugida, Boolisa iyo kuwa xoogga dalka iyo Saraakiil Ajaanib ah, waxaana Wasiirka amniga shacabka ugu baaqay inay la shaqeeyaan Ciidamada.














