Laamaha Amniga Galmudug Odayaal ku xir xiray Gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada NISA qeybta ka howlgasha deegaannada Galmudug ay degaankaasi kasoo xir xireen tiro Odayaal ah.

Dadka degaanka ayaa waxaa ay sheegeen in degaanka ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa NISA Galmudug oo watay Gaadiidka dagaalka,isa markaana ay degaanka ka wateen ilaa lix Oday oo kamid ah Dhaqanka degaankaasi Baxdo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in sababaha Odayaasha loo xiray ay tahay Amar diido iyo inay tageen degaan ay maamulaan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo diiday amar arrintaasi horay looga soo saaray.

Odayaasha ay xir xireen laamaha Amniga Galmudug ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalma ka hor Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu sheegay in dadka aada degaanada ay joogaan Al-Shabaab ee fuliya Amaradooda in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.