Laascaanood oo ay ka socdaan kulamo siyaasadeed xasaasi ah.

Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa ka billowday kulamo siyaasadeed oo xooggan, kuwaas oo ay wadaan siyaasiyiinta iyo musharrixiinta u taagan xilka madaxtinimada maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqaadir Axmed Firdhiye, iyo siyaasiga caanka ah Cabdirashiid Abwaan ayaa xalay kulan gaar ah la yeeshay xildhibaannada cusub ee dhawaan lagu dhaariyey magaalada Laascaanood. Kulankaasi oo loo arkay mid istaraatiiji ah ayaa lagu tilmaamay inuu yahay bilowga ololaha siyaasadeed ee maamulka cusub, iyadoo labada musharrax si cad u muujinayaan damacooda siyaasadeed iyo hanka hoggaamineed.

Maalmaha soo socda, magaalada Laascaanood waxaa ka sii xoogeysanaya loolan siyaasadeed iyo kala jiidasho u dhexeeya musharraxiinta u taagan xilalka ugu sarreeya maamulka, gaar ahaan Guddoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha. Tani waxay sii kordhisay xiisaha siyaasadeed iyo isha dadka deegaanka ku hayaan jihada cusub ee maamulka Waqooyi-Bari Soomaaliya.

Hoggaamiye Cabdiqaadir Firdhiye oo la hadlay warbaahinta ayaa caddeeyey in si rasmi ah uu furmay tartanka siyaasadeed, isagoo ku boorriyey xildhibaannada cusub in ay ka shaqeeyaan midnimada, nabadda iyo horumarka bulshada gobolka, halkii ay ku mashquuli lahaayeen khilaaf iyo kala qaybsanaan.