Shirka dhameystirka dhismaha Maamul Goboleedka SSC-Khaatumo oo si rasmi ah uga soconaya magaalada Laascaanood ayaa galay maalintiisii labaad, iyadoo wajigiisa cusub si gaar ah diiradda u saaraya ajandayaasha muhiimka ah ee lagu dhisayo maamulka cusub. Qodobbada aadka loo sugayo waxaa ka mid ah dhismaha maamulka rasmiga ah, qeexidda saami qaybsiga awoodda, iyo dib-u-eegista astaamaha maamulka sida magaca, calanka iyo dastuurka.
Guddiga qaban-qaabada shirka ee ka socda heerka federaalka ayaa bilaabay in si toos ah loogu gudbo wadahadalka qodobbadaas muhiimka ah, waxaana la saadaalinayaa in doodaha ka dhalan doona ay noqdaan kuwo adag, maadaama aragtiyo kala duwan ay durba ka soo baxayaan xubnaha kala matalaya gobollada kala duwan. Ergooyin kasoo jeeda gobollada Sanaag iyo Haylaan oo ay hoggaaminayaan siyaasiyiin miisaan leh, ayaa si cad u codsaday in la beddelo magaca “Khaatumo,” calanka maamulka iyo sidoo kale in dib loo eego dastuurka la doonayo in lagu saleeyo maamulka cusub.
Is-mariwaaga ugu weyn ayaa la filayaa inuu ka dhasho arrimaha la xiriira saami qaybsiga, maadaama ay jiraan dhinacyo doonaya in awoodda lagu qaybiyo hab ay iyagu ku arkaan cadaalad, taas oo laga yaabo inay liddi ku noqoto aragtiyada kale ee ay wataan ergooyin kale oo ka socda beelaha iyo deegaannada kale. Doodaha la xiriira sida loo wajahayo arrimaha awood qaybsiga ayaa noqday kuwo xasaasi ah oo salka ku haya tartan siyaasadeed iyo dano qabiil oo murugsan.
Shirka ayaa wajahaya caqabado kale oo dhinaca wufuudda ah, kadib markii uu khilaaf ka dhashay martiqaadyo rasmi ah oo loo diray wafti ka yimid gobollada Sanaag iyo Haylaan. Garaad Jaamac Garaad Cali iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa si weyn uga horyimid xubnahaas, iyagoo ku eedeeyay in xadgudub lagu sameeyay habraacii lagu soo xulayay. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku dooday in aan la helin isu dheellitirnaan dhab ah oo metela dhammaan danaha dadka deegaanka.
Wufuud ballaaran oo ka kala timid deegaanada Sool, Sanaag, Haylaan, Cayn, iyo sidoo kale qurbojoog Soomaaliyeed oo ka yimid meelo kala duwan oo caalamka ah, ayaa haatan ku sugan magaalada Laascaanood, iyadoo tiradooda lagu qiyaasayo inay kor u dhaafeyso 1200. Tani waxay shirka ka dhigtay mid culus oo u baahan iswaafajin siyaasadeed iyo xirfad diblomaasiyadeed oo heer sare ah.
Shirka dhismaha SSC-Khaatumo ayaa loo arkaa inuu yahay fursad dahabi ah oo lagu dhisi karo maamul rasmi ah oo u adeega dadka deegaanka, hase yeeshee khilaafaadka soo ifbaxay iyo kala duwanaanshaha aragtiyeed ee ka jira qodobada qaar ayaa sare u qaaday xiisadda iyo culeyska saaran wada-hadalka. Waxaa si weyn loo eegayaa go’aannada laga soo saaro maalmaha soo socda iyo sida ay u wajahi doonaan cabashooyinka jira, iyadoo rajo laga qabo in shirkan uu horseedo nidaam maamul oo ay dadka deegaanka si dhab ah u metelaan.














