Maamulka degmada Bardaale ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha degmada, Mudane Maxamed Isxaaq Xasan (Carcase), oo ay weheliyaan saraakiisha amniga degmada iyo ciidanka nabad ilaalinta ATMIS, ayaa guul amni oo muhiim ah ka gaaray deegaanka, kadib markii ay si nabad ah u fashiliyeen labo miino oo ay dhulka ku aaseen kooxaha Khawaarijta, kuwaas oo lagu damacsanaa in lagu waxyeeleeyo shacabka deegaanka Bardaale ee gobolka Baay.
Guddoomiyaha degmada Bardaale ayaa sheegay in ay dadaal adag u galeen sidii loo badbaadin lahaa shacabka, isaga oo ammaan u jeediyay ciidamada amniga iyo kuwa ATMIS oo muujiyay feejignaan iyo xirfad sare oo horseeday in la fashiliyo khatartaasi. Wuxuu sheegay in maamulka degmada uu sii laba jibaari doono la dagaallanka cadowga shacabka, iyadoo la adkeynayo wada-shaqeynta ciidamada, maamulka iyo shacabka deegaanka si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo amniga degmada.
Mas’uuliyiinta ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka in ay sii wadaan la shaqeynta laamaha amniga, isla markaana ay ka feejignaadaan falalka lagu waxyeeleynayo dadka rayidka ah, iyadoo maamulka iyo ciidamada ay ka go’an tahay in ay sugaan badbaadada shacabka iyo horumarka degmada.
















