Ciidamada amniga ee gobolka Bari ayaa xalay hawlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku xireen laba qof oo lagu tuhunsan yahay falal la xiriira argagixisanimo. Mid ka mid ah eedeysaneyaasha ayaa la sheegay inuu yahay imaam masjid, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ciidan oo ka tirsan laamaha ammaanka ee gobolka.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in imaamku uu masjidkiisa ku hoynayay nin kasoo jeeda qowmiyadda Oromada, kaasoo lagu tilmaamay inuu yahay qof si weyn ugu hadla Af-Carabi, taasoo dhalisay shaki xoogan oo sababtay in labada qofba loo taxaabo xabsiga. Ilaa hadda, saraakiisha kama aysan bixin faahfaahin dheeri ah oo ku saabsan tuhunka saxda ah ee lagu hayo raggan, hase yeeshee waxay sheegeen in baaritaanno dheeraad ah ay socdaan.
Dhinaca kale, ciidamada ammaanka Boosaaso ayaa maanta sidoo kale howlgal ballaaran ka sameeyay duleedka magaalada, gaar ahaan deegaanada Biyo-kulule iyo Girible. Howlgalkaasi ayaa lagu doonayay in looga hortago firxadka dagaalyahanada kooxda Daacish, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka cararayaan howlgalka Calmiskaad ee ka socda Togga Baallade.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in howlgalladu ay qeyb ka yihiin dadaalka joogtada ah ee lagu xoojinayo nabadgelyada magaalada Boosaaso, isla markaana lagu baacsanayo unsuriyada amni-darrada faafisa. Waxaa la filayaa in baaritaannada lagu hayo labada eedeysane ay bixiyaan ifafaale cad oo ku saabsan doorkooda suurtagalka ah ee la xiriira falalka la tuhunsan yahay.
Howlgalladan is-daba joogga ah ayaa muujinaya sida ay ciidamada amniga Puntland u la tacaalayaan hanjabaadaha xagga argagixisada, gaar ahaan xilliyada uu socda guluf ballaaran oo ka dhan ah kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaalaysanaya dhulka buuraleyda iyo howdka gobolka Bari.















