Labo Alshabaab ah oo caawa Baydhabo lagu qabtay

Ciidan uu hoggaaminayay taliyaha booliska degmada Baydhabo ayaa caawa magaalada Baydhabo ku qabtay laba nin oo ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo ku hubeysnaa bastoolado.

Hawlgalka raggan lagu soo qabtay ayaa si gaar ah uga dhacay guri ku yaalla xaafada Horseed ee degmada Baydhabo.

Raggan la soo qabtay ayaa isla caawa waxaa la dhigay xabsiga magaalada Baydhabo, waxaana ku socda baaritaano dheeraad ah.

Taliyaha booliska degmada Baydhabo oo gacanta ku dhigay raggan ayaa sheegay inay maleegayeen xilligii la soo qabanayay falal ka baxsan ammaanka, wuxuuna tilmaamay soo qabashada raggan inay ka dambeysay kadib wada shaqeyn ay ka heleen bulshada baydhabo.

Laba ka tirsanaa AlShabaab ayaa shalay gelinkii dambe qaraxyo ismiidaamin ah ku weeraray laba maqaaxi oo ku yaalla bartamaha magaalada Baydhabo, waxayna qaraxyadaasi geysteen khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaac.