Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed soomaaliya mudane C/casiis xasan maxamed ( Lafta Gareen ) ayaa wada dadaalo loogu kala dab-qaadayo Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo, iyadoo kulamo la yeelanayalabada dhinac tan iyo xalay
Kulankii ugu saacadaha badnaa ayaa caawa dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha dowlad goboleedka Koofur Galbeed soomaaliya C/casiis xasan maxamed , waxaana la sheegayaa in illaa iyo hadda aan la isku afgaran qorshayaal bilow u ahaa dhex dhexaadin iyo isu soo dhoweynta labada dhinac .
Ilo ku dhow kulanka ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaruhu uu wali mowqifkiisa taagan yahay, kuna adkeysanayo go’aamadiisa hore.
Hase yeeshee warar aan ka helayno ilo ku dhow dhow madaxtooyada ayaa sheegaya in laga yaabo in maanta ay kulan fool ka fool ah yeeshaan Madaxweynaha dowlada fedraalka soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.














