Laftagareen Oo Abaal marin Gudoonsiiyey Dhalinyaro Isxilqaan Sameysey(Sawiro)

Madaxweyne Abdiaziz Hasan Laftagaren ayaa maanta shahada sharaf gudoonsiiyay gudigii isxilqaan ee magalada xudur. Guddiga waxay qeyb lixaad leh ka qaaten in si iska wax u qabso ah loogu dhiso maxkamada degmada iyo gobolka.

Waa arin bogaadin iyo dhiiragelin mudan in shacabka aay iskooda wax u dhistaan oo aay sugin kaalmo caalami ah.

Reer xudur waxay tusaale fiican u yihiin dhamaan shacabweynaha Koonfurgalbeed maadama aay si isxilqaan ah dhib u dhis ugu sameeyen goobo muhiim u ah bulshada.

Maamulka hada joogo wuxuu mar walbo ku howlanyahay hormarinta degaanada uu ka taliyo. Waa maamulkii u horeeyay ee gobolka Bakool mashaaric hormarineed ka fuliyo.