Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta Magaalada Baydhabo kaga qeyb-galay Xaflada Shaacinta Natiijada Imtixaanka Fasalada 8-aad iyo Abaal marinta Ardayda Kaalmaha ka galay Fasalada 8-aad iyo 12-aad.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Shahaadooyin Abaalmarino ah Gudoonsiiyey Ardayda kaalmaha hore ka galey imtixaanka Fasalka 8aad,
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa Ardayda kaalimaha hore galay u ballanqaadey
Waxbarasho Heerkeedu Sarreeyo Oo lagu Abaalmarinayo Ardayda kaalimaha galey.
Wasaaradda Waxbarashada DGKGS ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay, 7 August 2021 si rasmi ah u shaacisay natiijada Fasalka 8aad ee dugsiga Dhexe, sanad dugsiyeedka 2020/2021.






























