Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay kulan udhaxeyey Ra’iisal wasaraha XFS Madaxweyniyaasha Dowlad Goboleedya Gudoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Beesha Caalamka.
Kulanka Waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga Dalka
Kulanka oo uu shir guddoominayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa waxaa looga hadlayaa Arimaha Doorashooyinka iyo Amniga Dalka ee dhawaan Madaxda Soomaalida ay heshiiska ka gaareen.
Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlayaa sidii hoggaamiyeyaasha Soomaalida u dhaqan gelin lahaayeen heshiiska, iyaga oo taageero dhinac walba ah ka helaya Wakiilada Beesha Caalamka.
Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.




















