DAAWO:_Laftagareen Oo kulan la qaatey Golaha Deegaanka Degmada Waajid (SAWIRO)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Abdiaziiz Hassan Mohamed Lafta-gareen ayaa kulan la qaatay Gollaha Deegaanka Degmada Waajid ee bishi April ay dhistay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kaashaneysa Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshiinsiinta xukuumada Soomaaliya
Kulanka waxaa sido kale ka qeybgalay Wasiiro,Xildhibaano iyo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Bakool

Guddoomiyaha Gobolka Bakool Mudane Shiine Macalin Nuurow ayaa ka qeybgalay kulan uu Madaxweynaha dowladda Koonfur Galbeed H.E Abdiaziz Hassan Mohamed Laftagareen maanta la qaatay Gollaha deegaanka degmadda Waajid ee Gobolka Bakool.

Madaxweynaha oo degmada Waajid u tegay ka qeyb galka munaasabad lagu Caleema saarayo Guddoonka & Golaha degaanka degmadaas ayaa sii wadi doonada kulamada oo ah kuwo lagu ogaanayo xaaladaha kajirra degmada Waajid.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur galbeed Maxamed Abuukar ayaa faahfaahuyey kulankan uu Madaxweyne laftagareen la qaatey Golaha Deegaanka Degmada Waajid Gollaha Deegaanka Degmada Waajid ayaa bishi April ay dhistay Wasaaradda Arrimaha Gudaha dowladaha Hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed oo kaashaneysay Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshiinsiinta xukuumada Soomaaliya
HOOS KA DAAWO MUUQAALKA