Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Hoyga uu ka Deganyahay Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Mas’uliyiin ka socday Labbada hay’adood ee Bisha-cas Turkey iyo Diyanet.
Madaxweyne Lafagareen ayas Masuuliyiinta Labadan Hay,adood ee Bisha-cas Turkey iyo Diyanet waxaa uu kala hadley sidii ay ka maamul ahaaan ay uga Taageeri lahaayeen Adeegyada ay bixiyaan Hay,adahan.
Hay,adahan ayaa waxaa ay kamid yihiin Hay,adaha dhanka Mashaariicyada Horumarineed ka fuliya Deegaanada Koonfur Galbeed,
Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa waxaa uu masuuliyiinta Labadan Hayadood Uga mahadceliyey Mashaariicyada Horumarineed ee ay ka wadaan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.





















