Laftagareen Oo la Kulmay Xildhibaanada laga soo Doorto Koonfur Galbeed(Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane C/casiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa kulan qado sharaf iyo kala warqaadasho usameyey Xildhibaanada labada aqal ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya ee Deegaan doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.

Kulankan waxa kasoo qeybgalay Guddoomiyaha Baarlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Mursal Sheekh cabdiraxmaan iyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Fedaraalka Soomaaliya Maxamed sheekh Cusmaan jawaaray.

Madaxweynaha ayaa ugu horreyn u mahadceliyay dhamaan intii kasoo qeyb gashay asagoona si kooban uga warbixiyay Xaaladaha Koonfur galbeed waxyaabihii u qabsoomay iyo qorshayaasha mustaqbalka dhaw uga degsan arrimaha horumarinta dhaqaalaha, amniga iyo dib uheshiisiinta.