Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (laftagareen)oo ka qayb galay Shirkii Wadatashiga Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada baydhabo ee shaati gaduud ku soo dhaweeyay Gudoomiyaha Baarlamanka koonfur galbed Maamul heer Degmo iyo heer Gobal ,bulshada qaybaheeda kala duwan, Xubno ka tirsan Golayaasha Dowlad Goboleedka.
Madaxweyne cabdicasiis intuu ku sugnaa Dhuusamareeb waxaa uu kulamo gaargaar ah la qaatay Madaxda Heer fedraal iyo heer Dowlad Goboleed, waxgaradka deegaanka .































