M/Jubbaland Oo Baaritaano Deg-Deg Ah Faray Hay’addaha Amniga

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Sarakiisha Hay’adaha Amniga iyadoo uu Madaxweynahu faray inay keenan baaritaanada dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhinaca Amniga ah oo ay ugu danbaysay qaraxii Shalay Al-shabaab ay la beegsadeen dad Shacab ah iyo Masuuliyiin kasoo baxay masaajidka qadiim ee Magaalada Kismaayo.

Waxaa Madaxweynahu uu ku faray Ciidamada Nabad sugida iyo Booliska inay dardar galiyaan howlgalada sugida nabadgalyada muwaadiniinta isagoo xusay in loo baahan yahay feejignaan dheeri ah.