Maalinta Caalamiga ah ee Bedqabka Bukaanka: Soomaaliya, QM ayaa dhammaan daneeyeyaasha ku
tirtirsiiyey in ay laba-laabaan dadaalka lagu sugayo bedqabka hooyada iyo carruurta dhowaan
dhashey inta uu jiro cudurka dunida ku baahey ee COVID-19
Iyada oo shaley u dabaaldegeysay Maalinta Caalamiga ah ee Bedqabka Bukaanka,
ayaa Dowladda Federaallka Soomaaliya, oo ay iskaashanayaan Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO, Hay’adda
Qaramada Midoobey ee Carruurta (UNICEF) iyo Hay’adda Qaramada Midoobey ee Dadweynaha (UNFPA), waxaa ay
xarumaha caafimaadka, shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo daneeyeyaasha kale ku dhiirrigeliyey in ay kor u
qaadaan dadaalladooda si loo hubiyo sugidda bedqabka hooyooyinka iyo carruurta dhowaan dhashey.
Farriintan waxay ka turjumeysaa hal-ku-dhegga sanadka ee Maalinta Caalamiga ah ee Bedqabka Bukaanka – ‘Hooyada
iyo ilmaha dhowaan dhashey oo loo daryeelo si uu bedqab ku dheehan yahay’ – waxaana ay imaaneysaa waqti cudurka
coronavirus-2019 (COVID-19) uu carqaladeeyey adeegyada caafimaadka aasaasiga ah ee guud ahaan dalka ee horeyba
culeysku u saarnaa.
Sahan joogto ah oo gaaban (‘pulse survey’) oo dalka oo dhan ay WHO ka waddey muddo toddoba bilood ah oo ka mid
ahaa sanadaha 2020 iyo 2021 oo lagu eegayey sida ay adeegyada aasaasiga ah uga sii socdaan Soomaaliya ayaa lagu
ogaadey in, muddadii u dhaxaysay Maajo-Sebtember 2020, ay 33% adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka hakadeen
(mid ka mid ah saddexdii adeegba), halka muddadii u dhaxaysey Jannaayo – Maarso 2021, in ay hakadeen 12%
adeegyada aasaasiga ah ee caafimaadka (lix ka mid ah 51gii adeegba), taas oo muujineysa in hakad mug leh uu sii jirey
xataa hal sano ka dib markii uu bilowdey cudurkan dunida ku baahay. Lix ka mid ah adeegyada aasaasiga ah ee
caafimaadka ee ugu waaweyn ee hakad mug leh lagu arkey waxaa ka mid ahaa caafimaadka taranka, hooyanimada,
carruurta dhowaan dhashey, adeegyada caafimaadka ee carruurta iyo kuwa dhallinta dhowaan qaangaarey, kuwaas
oo uu soo wajahay hakad u dhexeeya 5-50%, iyo adeegyada tallaalka, oo uu soo gaarey hakad u dhexeeya 5-20%.
Xataa ka-hor intii aan la soo xaqiijin in uu COVID-19 ka dillaacay Soomaaliya, ayaa la sii ogaa in uu dalku ka mid yahay
dalalka uu ugu badan yahay umul-raaca dunida oo dhan, kaas oo ah 692 umul-raac 100,000-ba, iyo carruurta dhowaan
dhashey ee dhinta oo ahaa 40 dhimasho 1000 nolol ku dhashaba.
“Ka hor cudurka dunida ku faafey ee COVID-19, ayaa 68% haweenka imaan irin xarumaha caafimaadka si ay u helaan
daryeelka ka horreeya dhalmada oo saddex-meelood meel keliya ayaa ay ka umulin jireen xirfadlayaal caafimaad oo u
tababaran,” ayaa ay tiri Dr Fawziya Abikar Nuur, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee
Soomaaliya. “Tan iyo markii la xaqiijiyey in cudurka dunida ku faafey ee COVID-19 uu soo gaarey Soomaaliya, waxaa
mar walba hoos u sii dhacaysey tirada haweenka u yimaada in ay caawimo helaan. Waxaan jeclaan lahaa in dhammaan
wada-hawgalayaasha aan ku dhiirrigeliyo in ay dib uga fekeraan istiraatiijiyadahooda si ay u hubiyaan in haween uur
leh oo ka badan kuwa hadda ay xarumaha caafimaadka u yimaadaan si ay u helaan daryeelka ka horreeya dhalmada,
ugu umulaan, ayna uga helaan tallaal, si carruurta da’da yar ay noloshoodu bedqab ugu bilaabaan.”
Iyada oo qayb ka ah xuska Maalinta Caalamiga ah ee Bedqabka Bukaannada ee sanadkan, ayaa dhammaan wadahawlglayaasha, oo uu ka mid tahay WHO, ay dhammaan daneeyeyaashu ku dhiirri-gelinayaan in ay “Hadda u tallaaboqaadaan sidii dhalmada looga dhigi lahaa mid amaan ah oo uu ixtiraam ku dheehan yahay.” In la hubiyo in si habboon
oo ixtiraam uu ku dheehan yahay loola dhaqmo haweenka iyo carruurtooda yaryar ayaa sii kordhineysa kalsoonida
lagu qabo xarumaha caafimaadka, ka-faa’iideysiga adeegyada iyo taageero laga helo Bulshooyinka
“Waa in aan si joogto ah u kobcinnaa kartida shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee jooga goobaha daryeelka lagu
bixinayo, annaga oo islamarkaasna joogteynayna heerarka ugu sarreeya ee nadaafadda iyo bedqabka si looga hortago
in cudurradu faafaan iyo si loo hubiyo in bukaannadu bogsadaan,” ayaa uu yiri Dr Mamunur Malik, oo ah Wakiilka
WHO ee Soomaaliya. “Islamar-ahaantaana waa in aan xubnaha qoyska, oo ay ka mid yihiin ragga, ku dhiirrigelinnaa in
ay hooyooyinka uurka leh keenaan xarunta caafimaadka ee ugu dhow si ay u helaan daryeelka joogtada ah ee kahorreeya dhalmada iyo si looga umuliyo, si looga hortago in haweenka iyo carruurta ay u dhintaan sababo laga hortegi
karo iyo daryeel aan amaan ahayn. Haddii aan sameyno dadaal wadajir ah, waxaan badbaadin karnaa nafo badan,
laakiin waxaa dhammaanteen nalooga baahan yahay in aan hadda tallaabo-qaadno si aan is-beddel u dhalinno.”
“In uu haystaan qof xirfad u leh – dhakhtar, kaalkaaliye caafimaad ama umuliso tababar wanaagsan qaba – waqtiga ay
uurka leeyihiin, xilliga dhalmada iyo ka dibba, ayaa muhiim u ah in ilmo kasta oo Soomaali ah bilowga noloshiisaba la
siiyo fursad uu ku badbaado kuna baraaro,” ayaa uu yiri Maxamed Ayoya oo ah Wakiilka UNICEF Somalia.
“UNICEF waxaa sharaf u ah in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeyso kor-u-qaadista dadaalladeeda lagu gaarayo haweenka
iyo carruurta nugul, ee ku nool degaannada ugu saboolsan ee ay haystaan xaaladaha nololeed ee ugu adag, ee uguna
baahi badan kaalmada, inta uu jiro cudurka dunida ku faafey ee COVID-19.”
“Hooyo kasta waxaa ay xaq u leedahay in ay bedqab ku dhasho iyada oo ay marka ay dhaleyso la joogto cid xirfad u
leh ka-umulinta. Adeeggan waa mid la ballaarin karo si loo gaarsiiyo dadka adeegga ay helaan uu yar yahay iyo kuwa
danyarta ah ee ku nool guud ahaan dalka. Tani waxaa lagu xaqiijin karaa iyada oo loo marayo wada-shaqeynta hadda
socota ee lala leeyahay hay’adaha dowladda iyo adeegyada ay bixiyaan xubnaha waaxda aan dowliga ahayn,” ayaa uu
yiri Anders Thomsen oo ah Wakiilka UNFPA.
Mudane Thomsen ayaa sheegey in umuliso xirfad leh oo haweenka ka dhalisa ay tahay waxqabad caafimaadka guud
la xiriira oo lagu yareynayo dhimashada iyo xanuunnada hooyada iyo carruurta dhowaan dhashey. “UNFPA ayaa sii
wadda maalgelinta dadaalkan iyada oo iskaashi dhow la leh Wasaaradda Caafimaadka, iyada oo taageereysa xarumaha
caafimaadka ee bixiya adeegga naf-badbaadinta ah ee ka-umulinta haweenka iyo sidoo kale iyada oo hubineysa
tababaridda umulisooyin Soomaaliya siiya fursadda ugu wanaagsan ee si dhab ah ay daryeel naf-badbaadin oo amaan
ah ku gaarsiin karto dadweynaha adeegga ugu yar hela ee ku dhaqan guud ahaan dalka,” ayaa uu yiri Mudane
Thomsen.
Maalinta Caalamiga ah ee Bedqabka Bukaanka ee la asteeyey sanadkii 2019 waxaa lagu higsanayaa in la dhiirrigeliyo
fahmidda bedqabka bukaanka, kordhinta ka-qaybgalka dadweynaha ee bedqabnimada daryeelka caafimaadka, iyo
dhiirrigelinta in dunidu ay qaaddo tallaabo looga hortegayo laguna yareynayo dhibaatada laga baaqsan karo ee la
xiriirta daryeelka caafimaadka. Sanadkan, munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Bedqabka Bukaanka, ayaa WHO,
UNICEF iyo UNFPA waxaa ay ballanqaadeen in ay Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Federaalka
gacan ka siiyaan bilaabidda waxqabadyo iyo hawlo cusub ay ku soo kordhineyso guud ahaan xarumaha caafimaadka
ee dalka, taas oo hubineysa in sanad walba la xaqiijiyo daryeel amaan ah oo ay helaan hooyada iyo carruurta dhowaan
dhashey.














