Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta Xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Gobolka Shabellaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Siidii,kadib Munaasabad lagu qabtay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
C/qaadir Siidii ayaa waxaa lagu badalay Mas’uul kale oo lagu magacaabo Ibraahim Aadan Cali.
Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Sheekh Aaadan oo hadak ka jeediyay Munaasabada ka dhacday Afgooye oo Xilka looga qaaday Siidii ayaa Amaan u soo jeediyay Guddoomiyihii hore ee Gobolka C/qaadir Maxamed Nuur,waxaana uu xusay inuu wax Wanaagasan Gobolka ka qabtay,iyadoo uu sheegay in Guddoomiyaha Cusub Mr. Ibraahim ay u taallo Shaqo Culus.
C/qaadir Maxamed Nuur Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa lagu Xasuustaa inuu qeyb ka qaatay Dagaalkii Al-shabaab looga saaray Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose oo aheyd Xilli Fariisinka ugu weyn Al-shabaab Koofurta Soomaaliya.














