Maamul Goboleedyada oo war-saxaafadeed kasoo saaray khilaafka Farmaajo & Rooble

Madaxda shanta Maamul Goboleed ee Soomaaliya ayaa xaaladda cakiran ee khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’i’sul Wasaare Rooble ka soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, kaddib markii ay iskugu yimaadeen shir fogaan-arag ah.

Qoraal ay si wadajir ah u soo saareen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada ayaa u qornaa sidan:-

WAR SAXAAFADEED :

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle; Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa caawa waxay khadka telefoonka uga wada hadleen xaaladda amni iyo siyaasadeed ee Dalka Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ah mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah. Sidaa darteed, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah waxay soo jeedinayaan qodobada soo socda: