Gudoomiyaha Degmada Baraawe ee Gobolka Shabellaha Hoose Shaacir Cabdi Cilmi ayaa sheegay in ay Xaaladda Degmada Baraawe Tahay Hadda Mid Wanaagsan oo laga Hir Galiyay Xarumo Caafimaad
Shaacir i ayaa sheegay in hadalka Al-shabaab ee ah in Baraawe ay Go’doomiyeen uusan waxba ka jirin,waxaana uu hadlkiisa ku daray in Gaadiidka Dadweynaha ay soo galaan Magaalada,kana baxaan.
Gudoomiyaha Degmada Baraawe ayaa sidoo kale sheegay in Amaanka Degmada uu yahay mid wanaagsan oo Ciidamada Amaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay Xaqiijiyeen.
ugu dambayntii Gudoomiyaha Baraawe ayaa Shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan wada shaqeynta ay hada ciidamada la leeyihiin.














