Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose Mudane Ibrahim Adan Cali Najax ayaa maanta si rasmi ah u-la wareegay xilka Gudomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ee dhawaan Madaxweynaha Koonfurgalbeed Mudane Cabdiaziiz Lafta-gareen U-magacaabay,
Gudoomiye Najax ayaa u mahadceliyay Gudoomiye Mohamed Abdiraxiin oo shaqa wanaagsan ka qabtay gobolka mudada uu hayay xilka.
Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha hoose ayaa ballan qaaday inuu ka shaqeyn Doonno la-Dagaalanka Shabaab,Dib-u-dhiska Xarumaha muhiimka ah Deegaanka, sarre u qaadista Caafimaadka iyo Waxbarashadda.
Ugu Danbeyn Gudoomiyaha ayaa u mahadceliyay Madaxweyne Cabdiaziz Lafta-gareen oo markale siiyay fursad uu dadkiisa ugu adeego.














