Maamulka degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay ianys oo dhaweeyeen Ciidao ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya oo aad u farabadan,kuwaas oo dowladda geysay degmadaas.
Ciidamadaan oo badankood laga qaadey Muqdisho iyo deegaano kale oo ka tirsan Gobolka Gedo ayaa Beled-Xaawo waxaa ay ku tageen si deg deg ah,kadib markii uu halkaasi shalay tegay Wasiirka Amniga Jubbaland Cavdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).
Guddoomiyaha degmada Beled-Xaawo ee ee Gobolka Gedo ee dhanka Dowladda Cabdi Casiis Xareed ayaa sheegay inay Ciidamadaas soo dhaweeyeen,isla markaana uu qorshahaas qeyb ka ahaa heshiis ay horey ula saxiixdeen Dowladda Soomaaliya.
“Ciidamada Dowladda waan soo dhaweyneynaa,dadkana waxaan u sheegaya in Dowladda Federaalka ay mas’uul ka tahay xuduudaha badda, dhula iyo cirka, ciidanka dowladda cadaw ma ahan, waana in lasoo dhaweeyaa, Dowladda Federaalka heshiiskii aan lasoo galay ayaa difaacayaa oo aan ku shqeynayaa”, sidaas waxaa yiri Cabdi Casiis Xareed oo ah gudoomiyaha degmada Beledxaawo ee dhanka Dowladda.
Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya wax faah faahin ah kama bixin sababaha Ciidamada loogu daabulayo Gobolka Gedo,hayeeshee waxaa arrintaan ay soo baxdey markii uu xoogeystay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Jubbaland.














