Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna Duqa caasimada muqdisho Mudane cumar maxamuud maxamed cumar Filish ayaa xariga kajarey xarunta Degmada shibis oo dib udhis casri ah lagu sameeyey.
Degmadaan oo ah degmadii ugu horeysey oo dhagax dhigey gudoomiyaha markii xilka loo magacaabey .
Cumar fillish ayaa kormeerey qeybaha ay ka koobanatahay xatuntaan dib udhiska lagu sameeyey,waxa uuna sheegey in dhagax dhiga degmadaan iyo dayactirkeeda ay suura galiyeen bushada ree shibis iyagoona gacan kaheleya maamulka gobolka banadir,
Dhinaca kale gudoomiyaha gobolka banadir ayaa kormeerey degmooyinka kale ee gobolka si uu ugu kuur baahiya kajira degmooyinka gobolka banaadir,


















