Maamulka gobolka Hiiraan oo ku dhawaaqay howlgal ka dhan ah Al-Shabaab

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ku dhawaaqay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo Ballaaran oo lagu furaayo wadooyinka ay go’doomiyeen Al-Shabaab ee ku yaalla degmooyinka gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin Sufurow ayaa sheegay in dhibaatooyin badan ay ka jiraan gobolka Hiiraan, islamarkaana aysan aqbali doonin in ay sii xirnaadaan wadooyinka.

“Waxan rajeyneynaa in dhawaan isku furi doono degmooyinka gobolka Hiiraan, islamarkana si caadi ah u ku soo noqon doono ganacsiga iyo socdka ka dhexeeya degmooyinka gobolka, reer jalalaqsi iyo reer Buula burde inay isku furaan ganacsiga, reer Maxaas iyo reer Matabaan isku furmaan ayaan ka shaqeyneynaa waan ku guuleysan doonaa”ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdulahi Axmed Maalin.

Gudoomiyaha waxaa uu ka codsaday dadka kunool gobolka Hiiraan in ay la shaqeeyaan Ciidamada inta ay socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Degmooyin badan oo ku yaalla gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka jira dhib badan, waxaana Al-Shabaab ay go’doomiyeen degmooyin ay ka mid tahay degmada Buulaburde.